daajis.com:- Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Dalka Mareykanka, ayaa duqeyn ay maalintii talaadada ka geesteen duleedka Magaalada Raqqa ee Dalka Siiriya , waxa ay ku dileey Nin kooxda Daacish u qaabilsanaa weerarada dhinaca Internetka loo adeegsado.
Junaid Hussein oo Daacish dhaxdeeda looga yaqaan Abu Hussain Al-Britani, ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday Duleedka Magaalada Raqqa, Ninkan ayaa magaalada Birmingham ee dalka Ingriiska, waxa uuna kamid ahaa dhalinyarada ku biirtay Kooxda Daacish ee ka tagtay Dalka Ingiriiska.
Sargaal katirsan Dowlada Mareykanka oo la hadlay Tv-ga CNN-ka , ayaa sheegay in ay hayaan xog ku aadan in duqeynta ka dhacday Dalka Siiriya lagu dilay Hogaamiye katirsanaa Kooxda Daacish una qaabilsanaa Weerarada Internetka.
Junaid Hussein oo 21-sano jir ah ayaa Kooxda Daacish madax uga ahaa weerarada dhinaca Internetka ay geestaan kooxdaasi , waxa uuna ninkan liiska sadaxaad uga jiray xubno ay si aad ah u raadineysay Dowlada Mareykanka.
Warbaahinta Dalka Ingiriiska ayaa qoray in Junaid Hussein intii uu kunoolaa Dalka Ingiriiska uu katirsanaa koox burcada Internetka oo la yirahado Team Poison, waxaana ninkan la sheegay in uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee qabsaday barta Twitter-ka ee Gaashaandhigga Maraykanka Pentagon.
Junaid Hussein , ayaa horey loogu xiray Dalka Ingiriiska mudo lix bilood ah kadib markii uu jabsaday Keydka Emailka Ra'izul Wasaarhii hore ee Britain Tony Blair, waxa uuna ninkan markii dambe katagay dalka Ingiriiska isagoona kooxda Daacishku biiray sanadii 2013-kii.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:56 and have


