daajis.com:- Qaxooti u badan Afrikaan ayna ku jiraan kwa Soomaali ah ayaa shalay waxa ay banaanbax balaaran ka dhigeen Magaalada Milan ee Dalka Talyaaniga, waxa ayna dadka ka banaanbaxayeen sharci la’aan dalkaasi ku heesata.
Dadka dhigayay banaanbaxa oo waqti badan kunoolaa Dalka Talyaaniga ayaa ka cabanayay in aan la siin sharciga dal kujooga Dalkaasi , sidoo kale aysan heesan sharci ay ku shaqeesan karaan, waxa ayna Dowlada Talyaaniga ka codsadeen in ay degnaansho iyo sharci ay ku shaqeestaan ay siiso.
Qaxootigan kunool dalka Talyaaniga ayna ku jiraan Soomaali aad u badan ayaa xaalad nolol xumo waxa ay ku heesataa Magaalooyin katirsan Dalka Talyaaniga, qaxootigan ayaana awoodin in ay u gudbaan dalal kale oo Yurub katirsan maadaama qaar badan oo kamid ah faro laga qaaday.
Dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in sanadkan kaliya galeen qaxootiga gaaraya 100-kun oo qof , kuwaa oo u badan dad afrikaan ah, waxaana qaar badan oo kamid ah qaxootigaasi ay ku jiraan xeryo kuyaala Dalka Talyaaniga halka kuwa kalana ay usii gudbeen dalal Yurub katirsan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:30 and have





