DAAWO: Wiil Somali Maraykan ah oo si Xun Loogu Dilay Magaalada Qardho iyo Sababta (VIDEO)

DAAWO: Wiil Somali Maraykan ah oo si Xun Loogu Dilay Magaalada Qardho iyo Sababta (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa magaalada Qardho ee Maamulka Puntland lagu dilay wiil Somali Maraykan ah,

Wiilkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabi Jiray Cumar Cabdiraxmaan oo lagu sheegay inuu 17 sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay inay waalidkiis ay u direen dalka Soomaaliya si looga badbaadiyo dhibaatada Soomaalida Gaangiska ah ee gobolka Minnesota.

Wiilkan oo ku dhashay dalka Mareykanka haystayna dhalashada Maraykanka ayaa la sheegay in la geeyey xarun koleejo ah oo ku taala magaalada Qardho, Laakiin wiilkaas ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay halkaas iyadoona uu jirkiisa ka muuqday nabaro fool xun oo wiilkaas loo geystay ka hor intuusan geeriyoon.
Ugu dambeyntiina iyadoo wiilkaas Soomaaliyeed ee lagala soo cararay dhibaatada Qurbaha lagu dilay magaalada Qardho ee maamulka Puntlanad, ayaa Xildhibaanda lagu magacaabo Amy Klobuchar waxay codsi u dirtey dowlada Mareykanka inay baaritaan ku sameyso dilka Wiilkaas iyadoona ay dowlada Mareykanka ay hada caadaadis saareyso maamulka Puntland iyo dowlada Soomaaliya labadaba sidii meel loo saari lahaa dilka wiilkaas.

Hooyada Dhashay Wiilka

Hooyada dhashay wiilkaas oo lagu magacaabo Shukri Xirsi ayaa waxay sheegtay in wiilkeeda loo beegsaday dhalashada Mareykanka ah ee uu heysto oo loo arkay sidii qof American oo kale ah, Hooyadaan ayaa sidoo kale waxay sheegtay in qaar ka mid ah jaalliyada Soomaalida ee kula nool gobolka Minnesoto ay ku cabsiiyeen inaysan hadlin oo aysan soo bandhigin dhibaatada qabsatey ayagoona u sheegay inay arintaas ay xabsi ku muteysan doonto.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada