Jabuuti oo beenisay eedeyn ay u jeedisay Itoobiya

Jabuuti oo beenisay eedeyn ay u jeedisay Itoobiya

daajis.com:- War kasoo baxay Doowlada Jabuuti ayaa lagu beeniyay hadal uu dhawaan warbaahinta ka sheegay Taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan Gobolka Hiiraan.

Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil, ayaa dhawaan mar uu Warbaahinta la hadlay sheegay ineey Soomaaliya joogaan ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneen Howlgalka AMISOM, waxaana uu madaxda DF ka dalbaday ineey soo cadeeyaan doorka Ciidamadaas.

“Warkaas waa been, mana ahan mid ka Tarjumaysa Siyaasadda xukuumadda Jabuuti ee ku Aaddan Xiriirka dhaqan iyo daris-wanaag ee kala dhexeeya dalka Itoobiya,” ayuu Taliyaha Millateriga Jabuuti, Jen. Zakariye Shiikh Ibraahim ku yiri War-saxaafadeed uu kaga hadlay eedeyntan.

Sidoo kale, Jen. Zakariye Sheekh wuxuu xusay in eedeyntaas aysan ahayn mid si toos ah uga timid Wasaaradda Gaashaandhigga Jabuuti iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dalkooda.

“Ciidamada Jabuuti waxay sii wadi doonaan howsheena ku aaddan Horumarrada Somalia, Gaar ahaan Gobolka Hiiraan. Ciidamadeenna iyo Kuwa Itoobiyana si Wanaagsan ayay ku wada shaqeeyaan, waxayna la wadagaayaan dadka Somalia dhibaatada iyo farxadda,” ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha Millateriga Jabuuti.

Jen. Zakariye Sheekh ayaa Hadalkiisa Raaciyay in Ujeeddada keliya ee Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ay tahay sidii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa nabad iyo xasillooni waarta.

“Itoobiya iyo Jabuuti midna dano-qarsoon kama lahan Soomaaliya; laakiise howsha ay ka Wadaan Soomaaliyana waa sidii uu dalkaas uga bixi lahayd colaada iyo xasillooni-darrada muddad dheer socday,” ayuu Jen. Zakariye mar kale yiri.

Taliyaha ayaa mar kale yiri. “Eedeymahan ceebta ah waa kuwo looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo is-aaminaadda u dhexeysa ciidamada labada waddan iyo in lagu kala daadiyo Geeddi-socodka Nabadda Somalia. Gaar ahaan Qaybta Afaraad ee AMISOM, Xilli la isku diyaarinayo dhismaha Maamul-goboleed loo sameeynayo Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada