daajis.com:-Saraakiisha ciidamada Militeriga Qaybta 12-ka April, ayaa sheegay inay nolosha ku qabteen saddex ka mid ah Dagaalamayaasha Ururka Shabaab, kuwaasi oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanka Mareereey ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Madaxa Howlgalinta Ciidanka Militariga ee 12-ka April Gaashanle Sare Cismaan Isaaq Diiriye, ayaa sheegay ciidamada Militariga inay hayaan saddexda nin ee Shabaabka ah.
Wuxuu sheegay raggaan oo dhalinyaro ah inay u gudbin doonaan Maxkamada ciidamada si sharciga loogu qaado.
Sarkaalkaan, ayaa sidoo kale sheegay dagaalkii ka dhacay deegaanka Mareereey inay ku dileen Afar ka tirsan Ururka Al Shabaab, dhinaca ciidamada Militarigana uu yar yahay khasaaraha soo gaaray.
Kasokoow hadalkaan kasoo baxay Sarkaalkan ka tirsan Militariga 12-ka April, ma jirto ilo ka madaxbanaan ciidamada Militariga oo xaqiijinaya in la qabtay saddex nin oo Shabaab ah.
Al Shabaab ilaa hada kama aysan hadlin dagaalkii ka dhacay deegaanka Mareereey ee Gobolka Shabeellaha hoose.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:00 and have

