Dowladda oo Dejisay Hab Maaliyadeed Cusub oo ka hortagaya Musuq-maasuqa

Dowladda oo Dejisay Hab Maaliyadeed Cusub oo ka hortagaya Musuq-maasuqa

daajis.com:- Wasaaradda Maaliyada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay isbeddello ku samaysay dhinaca maamulka maaliyadda ayna soo kordhisay hannaan lagula soconayo dakhliga soo gala iyo kharashaadka ka baxa dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamd Aadan Farageeti oo wareysi siiyey VOA-da, ayaa sheegay in hannaankan cusub uu ka hortagayo in musuq-maasuq ama wax is-daba marin maaliyadeed la sameeyo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamd Aadan Farageeti oo wareysi siiyey VOA-da, ayaa sheegay in hannaankan cusub uu ka hortagayo in musuq-maasuq ama wax is-daba marin maaliyadeed la sameeyo.

Waxa uu sheegay in dhammaan ilaha dhaqaalaha dowladda Soomaaliya ay geeyeen barnaamijkan, islamarkaana daqli kasta oo soo galay dowladda lasoo mariyo hannaankan, taasi oo caddeyneysa dhamaan lacagaha soo galay dowladda.


Waxa uu ku warramay in si taa la mid ah ay sidoo kale in dhammaan codsi kasta oo maaliyadeed oo ka yimaada hay’adaha dowladda Soomaaliya, lagu soo gudbiyo barnaamijkan, taasi oo sahleysa in lala socdo dhamaman daqliga soo gala dowladda Soomaaliya.

Maxamed Aadan fargeeti, ayaa sheegay in hannanakani uu dhiirigeliyey Bankiga Adduunka.

Halkaan ka dhagayso Wareysiga Maxamed Aadan Fargeeti


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada