Dhageyso:- MD Xasan shiikh oo bahdilay Puntland.(Hadal khilaafka sii huriyay)

Dhageyso:- MD Xasan shiikh oo bahdilay Puntland.(Hadal khilaafka sii huriyay)

daajis.com:- Madaxweynaha dawladda Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wali sii wada hadalada abuuraya kala fogaanshaha maamulka Puntland iyo Xukuumad Soomaaliya, markii uu shalay simay dawladda Puntland iyo maamulada xiligan la aas aasay kuwaas oo Puntland ay aamisan tahay in qaarkood aysan waafaqsaneyn dastuurka Federaalka ah.


Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in looga baahan yahay Beesha Caalamka in ay ka guurto qorshihii horey caalamku wax ugu qeybin jiray Soomaaliya oo ahaa Puntland, Koonfurta, bartamah iyo Somaliland, isagoo sheegay in hada taas laga gudbay.




Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya wuxuu sheegay in ay siman yihiin Puntland, GALMUDUG, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, taas oo uu muujinaysa in aysan dawladda wali aqoonsanin kaalinta Puntland ee amuuraha Soomaaliya.



“Waqti badan naga lumay, waayo badana na soo dhaafay, fursado badan aan soo gabnay oo ay aheyd mar hore inaan qabsano oo aan ka faa’ideysano, mar kale in aanay na gefin waqtiga inaan naga tagin oo aan ku xisaabtano, 25 sano gadaal u sii eegeynaa, meela kale gadaal u sii eegeynaa, marka aan horay u socono, aan deg degno, is qab qabsiga iyo waxyaabaha macnaha laheyn aan meel iska dhigno”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.



Beesha Calamka ayaa qorshaheeda ay ku maamusho qeybinta deeqaha Soomaaliya lagu taageero, waxa ay uqeybisaa sadex qeybood, taas oo ay hada dooneyso dawladda Muqdisho in wax laga badalo lagana dhigo 6 qeybood, oo ay Koonfur qaadato 4 qeybood, taas oo aysan aqbali doonin Puntland iyo Somaliland.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada