DAAWO:- Al-shabaabka Kenya oo soo diray Fariin Cajiib ah

DAAWO:- Al-shabaabka Kenya oo soo diray Fariin Cajiib ah

daajis.com:- Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa soo bandhigay muuqaal oo ay fariin ugu dirayaan dhalinyarada Muslimiinta ah ee ku nool qaarada Africa, gaar ahaan kuwa Kenya iyo Tanzania.

Muuqaalka oo ah mid ka turjumaayo qaab dhismeedka Maleeshiyada garabka Kenya ayaa waxa ay dhalinyarada ku guubaabiyeen inay kusoo biiraan Kooxda iyaga oo tilmaamay in xiliga lagu jiro ay tahay xili muhiimad gaar u leh Muslimiinta, sida Muuqaalka lagu xaqiijiyay.

Muuqaalka waxa ay ku muujiyeen in dhalinyarada ay siin-doonaan tababaro dhan waliba ah.

Filmka waxaa fariin loogu diray Ajanabida isago cinwaan looga dhigay ‘’Usoo Haajira difaaca diinta Alle’’ Al-Shabaab ayaa inta badan dhalinyarada ku tashkiilisa kusoo biirida kooxda iyadoo u adeegsata barta Internetka.

Mu’asadada Al-Kataaib oo ah Telefishinka kooxda ay leedahay ee baahiya muuqalada tababarka weerarada iyo khudbooyinka ayaa waayadan laba laabay muuqalada uu soo saari jiray si ay dad badani oo taagersan u helaan.

Dowladda Kenya waxaa ay marar badan ka cawaaday in dhallinyarada Kenyanka ah laga tashkiiliyo Interentka dhexdiisa waxaana marar badan ay xirtay bog Twitter ah iyo Facebook oo kooxda looga shakiyay inay ka wadaan Tashkiilin.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada