XOG:- Qorshe lagu Qiyaanayo Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Muqdisho ka socdo

XOG:- Qorshe lagu Qiyaanayo Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Muqdisho ka socdo

daajis.com:- Iyadoo labo maalin ka hor magaalada Muqdisho lagu saxiixay hishiis dhigaya in maamul mideysan loo sameeyo gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa soo baxaya qorshe aan wanaagsan oo la doonayo in lagu afgambiyo beelaha Shabeelaha DHexe.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in la doonayo in shirka lagu qabto magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, sidoo kala shaki weyn la geliyo  caasimada maamulkan cusub iyo cidda noqoneyso madaxweynaha labada maamul.


“Caasimada , Halka shirka lagu qabanayo iyo madaxweynaha waxaa Xasan Sheikh iyo wasiirka arimaha gudaha la doonayaan in la isku siiyo Gobolka Hiiraan, mana suurto galeyso arintaasi”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka wada qaban qaabada dhismaha maamulka Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Waxaa la weydiiyay su’aal ku aadaneyd qaabka ay sidaasi ku dhici karto?

“Waxaa la doonayaa in labo magaalo oo Shabeelaha Dhexe ah iyo labo magaalo oo Hiiraan loo codeeyo halka caasimada noqoneyso, waxaana dhaqaalo la siin rabaa ergooyinka codeynaya, si caasimada loo siiyo Hiiraan, waxaa kaloo la rabaa in madaxweynaha sidaasi oo kale dhaqaalo lagu bixiyo oo cid kastaa isi sharaxdo, Xasan Sheikh Cidiisa ayuu doonayaa inuu Hiiraan ahaan ugu Hiiliyo.

Waxaa durba soo baxay dhaliilo xoogan oo loo jeedinayo dadka kasoo jeeda Shabeelaha Dhexe ee shirkaasi wax ka saxiixay oo uu ugu horeeyo Cali Guudlaawe gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo aan ka fiirsaneynin aayaha Shabeelaha DHexe iyo hagardaamada lala damacsan yahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada