Jaamacadda JOBKEY oo tababar u qabatay arday ka soo baxday dugsiyada sare ee Gobolka Hiiraan

Jaamacadda JOBKEY oo tababar u qabatay arday ka soo baxday dugsiyada sare ee Gobolka Hiiraan

daajis.com:- Xarunta Jaamacada Jobkey ee magaalada Muqdisho waxaa lagu soo xiray tababar maalin socday oo loo qabtay arday soo dhameysatay dugsiyada sare ee magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Tababarkan oo ay soo agaasintay Jaamacada Jobkey ayaa waxaa ka faa’ideystay illaa 130 arday oo ka yimid gobolka Hiiraan, waxaana lagu baranayey arrimo ay ka mid ahaayeen sidii ardaydu ay u kala xulan lahaayeen kuliyadaha kala gedisan iyo qaabka ugu haboon ee ay uga faa’ideysan karaan waqtiga.

Waxaa tababarkan bixinayey macalimiin ajaaniib ah oo ka dhiga jaamacadan, kuwasoo ardayda si wanaagsan ugu faahfaahiyey sida ugu fiican ee arday kasta uu u dooran karo kuliyada ku haboon inuu wax ka barto, iyadoo macalimiintu si saraaxad leh uga jawaabeen su’aalo ku saabsan mowduucan oo ay weydiiyeen ardayda qaarkood.

Gudoomiyaha Jaamacada Jobkey C/casiis C/samad Caagane oo ka hadlay gebagebadii munaasabada ayaa uga mahad celiyey ardayda sida wanaagsan ee tababarkaas uga faa’ideysteen, wuxuuna xusay in Jaamacadu u taagan horumarinta aqoonta ardayda Soomaliyeed.

“Jaamacada Jobkey waxay ku talaabsatay horumar balaaran waxayna hadda gaartay heer caalami ah dhamaan ardayda tababarkan ka faaideysatay waxaan idinkula dardaarmayaa inaad waxbarashadiina sii wadataan kana faa’ideysataan waqtiga qaaliga ah ee aad heysataan si aad mustaqbalka horumar u gaartaan” ayuu yiri gudoomiye Caagane oo dhinaca kale shahaado sharaf gudoonsiiyey ururka Midowga ardayda gobolka Hiiraan.

Prof. James oo ka mid ah Macalimiin Ugandha ka soo jeeda oo wax ka dhiga Jaamacada Jobkey, tababarkana ka bixinayey ayaa isna talooyin muhiim ah u jeediyey ardayda tababarka loo soo xiray, wuxuuna ku booriyey in aqoonta ay ka faa’iideen tababarkan ay ku dabaqaan noloshooda.




Munaasabadan oo ku soo dhamaatay jawi farxad leh ayaa waxaa intii ay socotay ka hadlay qaar ka mid ah ardayda loo qabtay tababarakan oo sheegay iney wax badan ka kororsadeen, waxayna u mahad celiyeen maamulka Jaamacada Jobkey, macalimiintii tababarka bixinaysey iyo ururka Midowga ardayda gobolka Hiiraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada