Jarmal: Askeri Muslim ah oo shaqadisa ku waayay arin layaab noqotey: Sawiro

Jarmal: Askeri Muslim ah oo shaqadisa ku waayay arin layaab noqotey: Sawiro

daajis.com:- Maxakamada ciidamada ee dalka Germany ee loo yaqaano Bundeswehr ayaa shaqadii ka eriday askari Muslim ah oo da’adiisa lagu sheegay 31 jir.

Askarigan oo laga soo bilaabo 2009-kii ka shaqeynayay xarunta ciidamada cirka ee Noervenich ayaa lagu eedeeyay inuu yahay nin shareecada islaamka ku ad adag shanta salaadoodna tukada Bisha Ramadaana sooma.Waxaa kale oo lagu eedeeyay inuu yahay nin aad ugu hogaansan Nabi Maxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.Askirigan Muslimka ah ayaa magaciisa lagu soo koobay Daniel B.

waxaana iska dhalay aabe Jarmal ah iyo hooyo Holaandiis ah.Sirdoonka ciidamada Germany ayaa dabagal ku sameeyey askarigan muslimka ah waxayna weydiiyeen su’aalo ma aysan ku helin wax lid ku ah amniga ciidanka uu ka tirsan yahay iyo xarunta uu ka shaqeynayay mudada dheer.

Mabaadiida uu askirigan aaminsan yahay ayaa lagu sheegay in hadii uu awood heli lahaa u ololayn lahaa hirgelinta shareecada Islaamka waxay kale oo ay sheegeen inuu yahay nin aaminsan ciqaabta dilka, jihaadka uuna udhaqmo sida Sacuudi Carabiya looga dhaqmo.Askarigan ayaa lagu waayey wax dambi ah oo aan ka ahayn sifooyinka muslimiinta ee kor ku xusan.


Maxakamada ciidamada Germany ee Bundeswehr ayaa sheegtay in askartu u hogaansanto dimuqraadiyada aasaasiga ah ee Germany sidaas darteedna ay xaq tahay in askarigan shaqada laga eryo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada