daajis.com:- Maxamed Cabdi Kaliil Guddoomiyihii Gobolka Gedo oo Maanta Warbaahinta Shir Jiraa’id ugu qabtay Muqdisho ayaa Faah-faahin ka bixiyay Sababta Xilka looga qaaday iyo xarig ay Ciidamada Itoobiya kula kaceen Mas’uuliyiin uu kamid yahay.
Guddoomiye Kaliil ayaa sheegay in haba yaraatee uusan Xilka ka qaadin Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe,balse Xilka ay ka qaaday Dowladda Itoobiya sida uu yiri.
Maxamed Cabdi Kaliil ayaa Tilmaamay in uu wali aaminsan yahay in uu yahay Guddoomiyaha Saxdaa ee Gobolka Gedo.
Sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu Xusay in Mudo Sideed Bari ah uu Degmada Dooloow ugu Xirnaa Saraakiisha Ciidamada Itoobiya asaga iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkiisa.
Dhanka kale Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Markii Xilka laga qaaday asaga iyo Mas’uuliyiinta la shaqeysa looga yeeray Dooloow Itoobiya si loo dhex dhexaadiyo Maamulka Axmed Madoobe,balse markii ay tageen si xoog ah Xilka looga qaaday Xabsina la dhigay.
Si kastaba Mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiye Kaliil oo Gobolka Gedo laga soo masaafuriyay ayaa maanta soo gaaray Magaalada Mudisho,waxana ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay kala hadlayaan Arrinta ka dhacday Gobolka Gedo.
Siyaasiinta la socday Kaliil waxaa kamid ahaa Maxamuud Sayid Aadan iyo Kuxigeenadiisa iyo saraakiil kamid ah Ahlusunna waljamaaca.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at