daajis.com:- Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa maanta loo diiday inuu gudaha u galo magaalada Beledweyn, kadib markii Ciidamo ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan ay ku celiyeen koontaroolka looga soo galo magaalada, xilli uu safar dhinaca dhulka ah uu kaga yimid degmada Matabaan.
Warar aanu heleyno ayaa sheegaya in Mr Ameeriko loo diiday inuu galo Beledweyn, waxaana dib loogu celiyay degmada Matabaan oo ay ka taliyaan Maamulka Ahlusuna.
Amarka lagu celiyay Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxaa la sheegay inuu bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Maxamed cali ameerika oo loo diiday inuu beledweyne galo
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha loo celiyay ay tahay arrin siyaasadeed, waxaana Danjire Ameeriko oo aan xiriir la sameynay ay inoo suura geli weyday inaan khadka taleefanka oo xumaa
Maxamed Cali Ameeriko ayaa muddooyinkan safaro ku marayay gobollada dalka, isagoo horay u soo maray magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Garowe, Boosaaso, Galkacyo iyo Cadaado.
Mr Ameeriko ayaa safarkiisa ugu magac daray socdaalka nabada, waxaana inta uu ku guda jiray uu la kulmay Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland, Koofur Galbeed, Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo bilado guddoonsiiyay.
Maxamed Cali Ameeriko ayaa xilka safiirnimada dalka Kenya wareejiyay bishii April ee sanadkan, waxaana lagu xusuustaa mudadii 8-sano ee uu safiirka ahaa inuu soo dhiciyay dhismihii Safaaradda Soomaaliya ku laheyd Nairobi oo Ganacsade India u dhashay uu iibsaday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at