Madaxweyne Gaas oo Maanta Furay Shirkii Wadatashiga Puntland (SAWIRRO)

Madaxweyne Gaas oo Maanta Furay Shirkii Wadatashiga Puntland (SAWIRRO)

daajis.com:- Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta ka furmay shirweynahii 1-aad ee wada tashiga maamulka Puntland, iyadoona uu shirku furay Madaxweynaha Maamulka Puntland mudane, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Shirkan ayaa sida la sheegay socon doono 25 ilaa 29-ka bishan, waxaana ka qaybgaleysa Illaa laba boqol oo ergo oo laga soo kala xulay Deegaanada Puntland. Ergada ayaa maalmihii ugu dambeeyay siyaabooyin kala duwan u soo gaartay Magaalada Galkacyo.

Puntland6Shirkan oo ka furmay Xarunta Horumarinta Waxbarashada & Nabadda Ee Gobolka Mudug, ayaa waxaa ka hadlay dhinacyo kala duwan, waxayna si isku mid ah ay u sheegeen in lagama maarmaan ay tahay xoojinta midnimada ummadda reer Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad ka jeediyay goobta shirka ayaa sheegay qabsoomidda shirkan in wax weyn uu ka bedeli doono siyaasadda Puntland, isla-markaana uu horseedaayo is faham iyo inay dadku wax ku soo doortan nidaamka xisbiyada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada