Markab kalluumeysi iyo shaqaalihii saarnaa oo ka baxsaday koox afduub ugu haystay xeebaha Soomaaliya

Markab kalluumeysi iyo shaqaalihii saarnaa oo ka baxsaday koox afduub ugu haystay xeebaha Soomaaliya

daajis.com:- Markab kalluumeysi ah iyo shaqaalihii saarnaa oo ay afduub loogu haystay muddo shan bilood ah ayaa ka baxsaday burcad badeed Soomaali ah oo afduubka u haysatay.

Labo markab oo lagu kala magacaabo Jaber iyo Siraj ayaa lagu qabsaday xeebaha dalka Soomaaliya kadib markii burcad badeed qafaalatay ay ku eedeeyeen inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen badda Soomaaliya.

Badmaaxiin gaareysa 19 ayaa la rumeysan yahay in markabkan afduubka loo haystay ay saarnaayeen, waxayna wararka sheegayaan in markabku uu baxsaday kadib markii diyaarad helekabtar ah ay soo dul martay burcadii afduubka u haysatayna ay ku mashquuleen diyaarada iyagoo jooga xeebta waxana uu Kabtankii markabka xoog ku furtay baroosinka.

Markabkan ayaa la sheegay in burcad badeedu ku haysatay xeebta Ceel Hur ee Bartamaha Soomaaliya,iyadoo hoos u dhac weyn laga dareemay afduubkii loo geysan jirey maraakiibta marta xeebaha badweynta Hindiya saddexdii sano ee la soo dhaafay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada