Muqdisho oo 25 sano kadib lagu qabtay bandhiga buugaagta: Sawirro

Muqdisho oo 25 sano kadib lagu qabtay bandhiga buugaagta: Sawirro

daajis.com:- Tan iyo markii ay dhacday Dowladdii Dhexe Somaliya, ayaa waxaa maanta suurta gashay in Magaalada Muqdisho lagu qabto barnaamijka bandhiga caalamiga ah ee buugaagta.

Munaasabadan, ayaa waxaa ka soo qaybgalay qorayaal Somaliyeed, dadweyne fara badan oo aad u xiiseynaayay bandhigaasi, Masuuliyiin Dowladda Somaliya ka tirsan iyo xubno kale oo ka socday Maamulka Gobolka Banaadir.

bandhig-buug-3Bandhigan, ayaa waxaa lagu soo bandhigay sheekooyin iyo qoraalo riyaawadeed, oo ay curiyen hal abuuro Somaliyeed. Waxaana durbaba buugaagtaasi iibsaday dadweyne fara badan.

Madaxa bandhiga buugaagta, Maxamed Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in yoolkoodu uu yahay xoojinta dhaqanka, aqoonta qoraalka iyo akhriskaba.bandhig-buug-13

Sidoo kale waxa uu sheegay inay doonayan Magaalada Muqdisho in ay lamid noqoto caasimadaha kale ee caalamka, oo sidaan si lamid ah loogu qabto bandhiga barnaamijka wax curinta.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Arrimaha Bulshada Ee Maamulka Gobolka Banaadir, Imaan Nuur Iikar oo bandhigaasi ka qaybgalay, ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ku faraxsan yahay in Muqdisho lagu qabtay barnaamijkaasi,  muddo 25 sano ka dib.bandhig-buug-12

Imaan Nuur Iikar, ayaa ku waramaaya in bandhigan uu ka turjumaayo sida Magaalada Muqdisho, ay ula soo noqotay haybaddii ay lahaan jirtay, wixii ka horeeyay 1991-kii.

Bandhigan, ayaa waxaa lagu wadaa in muddo saddex cisho ihi uu socdo, iyadoona la fillaayo inay soo bataan dadka baahida u qaba inay helaan macluumaadka ku qoran buugaagtaasi.

 





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada