Sawirro: Shirkada Albayrak si rasmi ah ugu gacan gashay dekadda Muqdisho

Sawirro: Shirkada Albayrak si rasmi ah ugu gacan gashay dekadda Muqdisho

daajis.com:- Dowladda Federaalka Somalia ayaa si rasmi ah maamulka Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ugu wareejisay Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ee lagu magacaabo Albayrak Group.

Dowladda ayaa Albayrak Group todobaadkaani si rasmi ah ugu wareejisay Maamulka Dekadda waxa ayna kala saxiixdeen qandaraas la sheegay inuu yahay muddo 20 sano ah in shirkadaasi ay maamusho dekadda caasimada Somalia.

Heshiiska ayaa waxaa la sheegayaa inuu kamid yahay in DF Somalia qudheeda ay arrimaha Dekadda uga danbeyn doonto Maamulka Shirkadda Albayrak Group.
Shirkada Dekadda lagu wareejiyay ayaan si weyn looga aqoon caalamka intiisa kale waxa ayna kasoo dhex baxday ilaa 3 Shirkadood oo ku shaqo leh dhismooyinka.

Waxaa horey u jiray shirkado kale oo iyaguna daneenayey dekada Muqdisho sida shirkada weyn ee maamusha Dekada Dubai ee DP.

DF Somalia ayaa inta badan mashaariicda dalka u gacan galisay Shirkado laga leeyahay Dalka Turkiga oo iyagu awood xiligaani ku leh Somalia.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada