Mareeykanka: Maxkamad sii adkeysay xukun lagu riday 2 Somali ah

Mareeykanka: Maxkamad sii adkeysay xukun lagu riday 2 Somali ah

daajis.com:- Maxkamad racfaan oo federalka Mareykanka ah ayaa dib u xaqiijisay xukunkii lagu riday laba haween Soomaalida Minnesota ka tirsan, oo lagu helay dambi ah inay doonayeen inay lacag u diraan kooxaha argagixisada ee Soomaaliya.

Guddi garsoorayaal ah oo ka kooban saddex qof, kana tirsan maxkamadda sideedaad ee racfaanka ee federaalka Mareykanka, ayaa dib u xaqiijiyey go’aankii xukunka ku riday labadaas gabar, waxayna sheegeen inuusan wax qalad ah ku jirin go’aankii ay gaartay maxkamaddii hore.

Aamina Faarax Cali oo 39 sano jir ah iyo Xaawo Maxamed Xasan oo 68 sano jir ah, ayaa sanaddii 2011-kii lagu helay dhowr dambi oo la xiriira argagixisanimo.

Aamina iyo Xaawo ayaa sheegay inay caawinayeen dadka saboolka ah ee Soomaaliya, hase yeeshee dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyey inay qeyb ka ahaayeen marin dhimasho leh oo lacagta loo mariyo Al-Shabaab.


Aamina ayaa waxaa lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah, halka Xaawo lagu riday xukun ah toban sano oo xabsi ah.

Xigasho: VOA

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada