daajis.com:- Waxaa garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde International soo gaaray Sagaal qoys oo ka kooban 47 qof oo ka mid ahaa dad Soomaaliyeed oo ka soo Laabtay xeryaha qaxootiga ee ku yaal Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana dadkani ay u badnaayeen haween iyo Carruur.
Qoysaska Qaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa Aad ugu faraxsanaa in dhulkooda Hooyo ay maanta yimaadaan isla markaana dadkooda Soomaaliyeed ay wax la qaybsadaan.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakcayaasha Qaranka Axmed Cabdikariin Nuur ayaa sheegay in dadka dalka dib ugu soo laabtay aysan jirin cid ku qasabtay in ay soo laabtaaan balse ay iyagu doortood ay dalkooda dib ugu soo laabteen.
Dadkan Qaxootiga ayaa ah Qaybtii labaad ee soo gaarta magaalada Muqdisho, iyagoo si iskood ah uga soo tagay Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 10:00 and have
, Published at