Sawirro: Mareykanka oo Sargaal culus usoo dirsaday MUQDISHO

Sawirro: Mareykanka oo Sargaal culus usoo dirsaday MUQDISHO

daajis.com:- Waxaa magaalada Muqdisho maalintii Seddexaad ku sugan Taliyaha Boliska Metro Transit ee dalka Maraykanka, John Harrington iyo xubno Saraakiil ah oo uu hogaaminaayo.

John Harrington ayaa ka socda Dowlada Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota, waxa uuna ujeedkiisa Muqdisho yahay sidii uu Taliska Hawlgalka AMISOM u siin lahaa tababaro laxiriira La-dagaalanka Alshabaab iyo Xoojinta Sharciga.

Sidoo kale waxa uu xogo la wadaagi doona Taliska sare ee Ciidamada AMISOM si ay u kala wareejistaan Liisaska Saraakiisha Al-shabaab looga dilay dagaalada gaar ahaan kuwa duqeynta ku dhintay.

Waxa Mr John Harrington ayaa kulamo gaar gaar ah sidoo kale la qaatay Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Militeriga Somalia iyo Saraakiil ka tirsan Nabadsugida Qaranka Somalia.

Taliyayaasha uu iminka la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Boliska Somaaliyeed, Mohamed Sheikh Hassan Xaamud iyo Saraakiil ka tirsan Taliska Booliska oo uu ka xog wareystay qaabka ay u fuliyaan Howlgalada.

Tababaro maalmo kooban ah ayuu siin doona qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Qaranka kuwaasi oo wax laga bari doono qaabka loo fuliyo Howlgalada.

Dhanka kale, Taliyaha Boliska Metro Transit ee dalka Maraykanka, John Harrington ayaa noqonaayo Sargaalkii ugu horeyey ee ka socda GobalkaMinnesota ee booqasho ku yimaada dalka Somalia.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada