daajis.com:- Edward Snowden, oo horey uga tirsanaa Hay’adda Amaanka Qaranka dalka Mareykanka NSA ayaa shaaciyay Macluumaad sir ah oo sheegaya in Osama Bin Laden uu nool yahay.
Edward Snowden, oo hadda baxsad ah Mareykankana si weyn u baadi goobaya ayaa warkan u sheegay Wargeyska Moscow Tribune.
Wuxuu sheegay in Warkii horey uu u sheegay Mareykanka ee ahaa inay dileen Osama Bin Laden uu yahay mid been ah, oo laguu marin habaabinayay Caalamka.
Ma ahan oo kaliya inuu Osama uu nool yahahay, balse uu Nololraaxo leh ku nool yahay isago iyo xaasaskiisa Dalka Bahamas, oo ah Jaziiradda ku yaalla Qaaradda Mareykanka, waxaana Lacag ka qaataa Hay’adda Sirdoonka Mareykanka CIA.
Edward Snowden, ayaa sheegay in CIA Mareykaanka ay siiso Osama Bin Laden $100,000 oo Doolarka Mareykanak Bil kasta, taasi oo mariyo akownkiisa Nassau bank account.
“Ma hubo Guri iyo Xaafadda rasmi ah ee uu hadda ku nool yahay Osama Bin Laden, balse waxaan ogahay inuu 2013-kii ku noolaa Dalka Bahamas isaga iyo caruurtiisa,” ayuu yiri Edward Snowden.
Edward Snowden, oo ah Sarkaal Baxsad ah kana tirsanaa Sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa hore looga bartay inuu dusiyo Xogta Taleefoonada ay dhagaysato Hay’adda NSA.
Siraha uu dusiyo waxay iska horkeeneen Mareykanka iyo Dalal badan oo saaxiibo dhaw la ahaa sida Germany, oo Ra’iisul Wasaarihiisa Angela Markel oo mudo 8 Sano Taleefoonkeeda la dhagaystay.
Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Barlin ayaa loo adeegsaday ayuu yiri Snowden dhagaysiga Taleefoonka gaarka ah ee Angela Markel.
Edward Snowden ayaa sidoo kale sheegay in CIA-da Mareykanka ay baahiyeen Warka beenta ah ee ku saabsan geerida Osama oo Neavy Seals ay ku dileen Pakistan 2011. Edward Snowden ayaa wuxuu 2013-kii ku biiray SNA, isagoo horey ula soo shaqeeyay CIA-da, waxaana hadda uu ku nool yahay dalka Russia, oo magengelyo siiyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:30 and have

