daajis.com:- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia, hadana ku sugan Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa Wasaarada Arimaha gudaha, wuxuu ugu baaqay in loo gurmado shacabka ku nool deeganada Shabaab laga saaray.
Xildhibaanka ayaa sheegay xaalada ka jirta deeganadii ugu dambeeyay ee Shabaab laga saaray inay tahay mid liidato oo u baahan gurmad Bini’aadinimo oo ay helaan Bulshada deeganadaasi ku nool.
Wasaarada Arimaha gudaha ayuu fariin u diray oo ku aadan gar gaar ay helaan Bulshada deegaanka si ay uga soo kabsadaan dhibaatooyinkii kasoo gaaray dagaalada.
Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Somalia, gaar ahaan Gobolka Hiiraan, ayeey ciidamada Dowladda ka saareen Shabaab, waxaana deeganadaasi dadka ku nool saameeyay dagaalada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:30 and have

