daajis.com:- Wararka naga soo garay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Gor dhow Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen degmada kadib markii Al shabaab ay iskaga bexeen.
Goob joogayal ku Sugan degmada Halgan Gobolka Hiiraan ayaa sheegay Gordhow Gudaha u galeen degmada iyago Fariisiimo ka sameeystay duleedka degmada Halgan.
Sido kale Goob joogayasha ayaa sheegay in gabi ahaanba la xiray Goobaha ganacsiga ee Magaalada waxaa sido kale istaagay isku socdka gadiidka iyo dadka maadaam dadka deeganka ay ka cabsi qaban in ay wax yeelo ka soo garto Ciidamada maanta la wareegay degmada Halgan,
Mahan markii ugu horeysay oo Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegan Gacan ku heynta degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan iyado dhawan Ciidamada huwanta oo markii hore la wareegay degmada ay iskaga bexeen
laman oga waxaa uu kaga duwan yahay howlgalkan Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay galinkii dambe ee Maanta kula wareegan degmada Halgan Howlgaladii Hore
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 03:00 and have

