daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhowaan ku dhowaaqay Golaha Wasiirada Maamulkaasi, kuwaasi oo mudo dheer isha Lagu hayey soo Magacaabistooda.
Golaha Wasiirada Ee uu Soo Dhisay Madaxwayne Cabdikariim Guuleed ayaa ka Kooban 24 Wasiir 23 Wasiir ku xigeen iyo 5 Wasiiru dowle, Waxaana Lagu shaaciyey Xaflad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado.
Dhinaca kale Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa kasoo horjeestay golaha wasiirada cusub ee madaxweyne Guuleed ku dhawaaqay iyo sidoo kale Heshiiskii dhowaan lala galay Ahlu-suna.
Xildhibaanada ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Tirada Wasiirada uu magacabaay Madaxwayne Guuleed, Sidoo kalana waxay soo bandhigeen Qodobada ay ku haystaan Madaxwayne Cabdikariim Guuleed.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 03:30 and have
