daajis.com:- Magaalada Ksimaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland Waxaa gaadhay Wafdiga uu Hogaaminayo Cali Maxamed Geedi oo Xiligan ku magacaaban lataliyaha Madaxwaynaha Soomaaliya arimaha Siyaasada gobolada Waxaana Safarkiisa ku weheliya,Shaqsiyaad aan Siyaasad ahaan isku meel u soconin kuwaas oo kala ah Maxamed Cabdi Afay,Cabdulaahi Ciil Mooge Ducaale oo ah Wasiirkii Waxbaradhad Xukuumadii Dr Cabdiwali.
Waxayna shaqsiyaadkan Kulan la qaateen Axmed Madoobe,kulankan oo diirada lagu saaray Arimo xasaasi aha ayaa waxaa soo baxay in Xubnhan ay Axmed Madoobe u bandhigeen Talooyin dhawr oo asal u ah sidii Dowladda Soomaaliya uu oola shaqayn lahaa uuna u qaadan lahaa amarka dowladda Soomaaliya ka soo baxa,uuna ooga waantoobi lahaa xaalada qalafsan ee uu galiyey Siyaasada deegaaanada Jubbaland.
Cali Maxamed Geedo oo Madaxwyanaha Soomaaliya uu u magacaabay Gudoomiyaha gudiga Xalinta Khilaafka Arinta labada Maamul ee Jubbaland iyo Puntland,Wuxuuna Cali Maxamed Geedi Magaalada Muqdisho ka abaabulay gudi ka kooban ilaa 6 Xubnood oo arintaas xal ka gaadha,Waxaase adag in ay Xal ka keenaan Axmed Madoobe,maadaam Meesha talada Ksimaayo taala laga gooyey ayna ahayn Kismaayo ee ay tahay Garowe,waxayna ahayd in ay aadaan garowe ka hor Kismaayo inta ayna imanin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:30 and have




