daajis.com:- Sida ay ku soo waramayaan Wariyeyaasha Jubbalandnews ee Magaalada Kismaayo waxaa wali socoda Shirkii Safaarada dalka Ingiriiska iyo Maamulka Jubbaland oo uu Hogaaminayo Axmed Madoobe,Wuxuuna Socodaalka Safiirada dalka Ingriisku qayb ka yahay Socodaalo ay ku maraysay Maamul Goboleedada dalka Soomaaliya oo safarkan kii ka horeeyey ay ku tagtay Magaalada Baydhabo maalin tii shalay.
Safiirka oo ku cusub Dalka Soomaaliya ayaa Kulanka diirada ku saarayey sidii ay waxbadan ooga ogaan lahayd Balamiyii hore ee Maamulka Jubbaland ay Safaaradaha dalka Ingiriiska ee Geeska Afrika la galeen Gaar ahaan Safaarada dalka Ingiriiska ee Magaalada Nayrobi
Dowladda Ingiriiska ayaa saamayn Wayn ku leh Hanaanka Dowladda Goboleedada dalka Soomaaliya ay u shaqeeyaan sidoo kale Waxay dowladda Ingiriisku,dhaqaalo ahaan taageero siisaa Qaar kamid ah Maamulada iyadoo sii marisay Dhaqaalaha Hay’ado Dalka Egland laga leeyahay oo fadhigoodu yahay Magaalada Nayroobi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:00 and have

