daajis.com:- Ugu yaraan 87 ruux ayaa ku geeriyootay inkudhow labo boqolna waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu wiish ku soo dumay masjidka weyn ee magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukaramah.
Saraakiil u hadashay boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa laga soo xigtey in wiishkan oo kamid ahaa qalab lagu dayactirayay qeybo kamid ah masjidka uu ku soo dul dhacay saqafka sare ee masjidka. Roobab dabaylo wata ayaa ka da’ayay maalmihii la soo dhaafay boqortoyada Sacudi Carabiya.
Magaalada barakaysanee Makka ayaa waxaa ay u diyaargaroobaysaa qaabilada malaayiin dad ah oo ka qeybgalaya gudashada xajka ee sanadkan,
Illaa hadda lama shaacin dadka ku dhintey shilkan wadamada ay ka soo jeedaan. Kumanaan Soomaali ah oo isugu jira kuwa ka tegey dalka iyo kuwo kale oo wadamada caalamka ka kala yimid ayaa ka mid ah malaayiinta ruux ee gudanaya waajibaadka xajka sanadkan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 15:14 and have




