Ciidamada AMISOM oo isaga guuraya Garoonka Istadiyuum Muqdisho iyo Jaamacadda Gaheyr

Ciidamada AMISOM oo isaga guuraya Garoonka Istadiyuum Muqdisho iyo Jaamacadda Gaheyr

daajis.com:- Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa lagu wadaa in dhawaan ay isaga guuraan Garoonka weyn ee Ciyaaraha ee Istaadiyuum Muqdisho iyo xarunta Jaamacada Gaheyr , halkaas oo saldhig ciidan u aheed sandihii lasoo dhaafay.

Xiriirka Kubada Cgata Soomaaliya ayaa marar badan ka codsaday Ciidamada AMISOM in ay ka guuraan Garoonka Kubada Cagta, waxa ayna madaxda Dowlada Soomaaliya ka codsadeen in ay gacan ka geestaan sidii AMISOM ay garoonkaasi uga bixi lahaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyey xaflad sedex sano guuradii kasoo wareegtey markii xilka loo doortey, ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada AMISOM ay dhawaan ka baxayaan Garoonka Istaaduyoom Muqdisho iyo Jaamacada Gaheyr.

Xasan Sheekh ayaa Tilmaamay in baahidii keentay in Ciidamada AMISOM xarumahaasi saldhigyo ciidan ka dhigtaan ay hada soo dhamaatay, waxa uuna cadeeyay in dhawaan si rasmi ah uga guuri doonaan labadaasi xarumood oo bulshada Soomaaliyeed muhiim u ah.

Ciidamada AMISOM ayaa markii Magaalada Muqdisho yimaadeen waxa ay xarumo badan ka sameesteen goobo badan oo dan guud ah halkaas ay mudo badan dagnaayeen, waxaana wali Ciidamada ay dagan yihiin Garoonka Istaaduyoom Muqdisho iyo Jaamacada Gaheyr oo hada la rajeenayo in ay ka baxaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada