Daawo Sawirada Gudoomiye Cali Guudlaawe iyo Masuuliyiin kale oo xalay ku lugeeyay xaafado katirsan Jowhar

Daawo Sawirada Gudoomiye Cali Guudlaawe iyo Masuuliyiin kale oo xalay ku lugeeyay xaafado katirsan Jowhar

daajis.com:- Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhaxe Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlaawe ) ay wehliyeen Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo katirsan Goboolka ayaa xalay ku lugeeyay xaafado katirsan Magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe iyo Xildhibaan Cabdi Sataar Shiikh Cabdi Salaan Shiikh Xasan Barsane, ay dhinac socdeen xubno kale oo katirsan Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe ayaa xalay lagu arkayay iyaga oo socda Wadooyinka Jowhar, waxa ay sidoo kale masuuliyiintan ka dumaakeesteen goobo ganacs oo kuyaala Magaaladaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegay in amaanka Magaalada Jowhar uu yahay mid la isku haleyn karo ayna wax weyn ka qabteen Ciidamada amaanka oo garab ka helayay shacabka ku dhaqan Xaafadaha Magaaladaasi.

Dhinaca kale waxaa shalay galab Magaalada Jowhar lagu soo gunaanaday koobka is dhax galka bulshada ku dhaqan Jowhar , waxaana koobkan ay ku tartameen kooxo badan ugu dambeyn ku guuleestay Kooxda Farjano ee ka dhisan Magaalada Jowhar.

Tartankaan oo ahaa mid ay u soo daawasho tageen boqolaal ruux ee ka kala yimid 4 xaafadood ee ka kooban tahay degmada jowhar iyo sidoo kale mas’uuliyiinta maamulka gobolka shabelaha dhexe iyo kan degmada jowhar iyo xildhibaan C/satar Shiiq C/Salan Shiiq Xasan Barsane ayaa waxa uu ka dhacday garoonka weyn ee Shongale Stadium.

Ciyaartan oo aheed mid fiinal ah ayaa waxaa ku hardamayey kooxaha Farjano iyo Kulmis oo ka mid ah kooxaha heerka 1aad ee magaalada Jowhar, iyagoo ka soo dhex baxay 18 kooxood oo loo qabtay taranka loogu magac daray is dhaxgalka bulshada, waxaana 90kii daqiiqo ee logu talagalay ciyaaarta ku soo idlaatay 0-0 iyadoo markii danbe loo dhigay gool ku laadyo ,waxaana ugu danbeyn guusha ku raacday 4 -3 kooxda kubada cagta ee Farjano koobka hanatay.

Ugu Dambeyn Gudoomiya Gobolka Shabelaha Dhexe Cali Cabdulahi Xuseen iyo Xildhibaan C/satar Shiiq C/Salan Shiiq Xasan Barsane ayaa gudoonsiyay hadiyadooyinkii loogu talagalay kooxahaasi kaalin 1aad iyo 2-aad soo galay , iyadoo sidoo kale hadiyadooyin la gudoon siiyay ciyartooy ka mid ah ciyaaryahanada degmada iyo waliba garsoorayaasha.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada