daajis.com:- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland wuxuu ku dhamaaday dagaal gacanta iskula tageen Gudoomiyaha aqalka wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro iyo Gudoomiye ku-xigeenkiisa kowaad Baashe Maxamed Faarax .
Gacan ha hadalkan ayaa ka dhashay markii 33 Xildhibaan oo taageersan in haamaha shidaalka ee Berbera uu Madaxweynuhu ku wareejin karo shirikado gaar ah.
Laakiin waxaa diiday oo kalfadhigii ku dhawaaqay inuu xeran yahay Guddoomiye C/raxmaan Cirro, taasoo uu kasoo horjeestay Kuxigeenkiisa Baasha Maxamed Faarax oo kula dhegay cod baahiyaha.
Gudoomiye xigeenka kowaad ee golaha wakiiladu ayaa ku dhawaaqay in cod loo qaado mooshinkan , kadibna awoodii hogaaminta golaha ay isku qabsadeen labadoodu oo ay feedh isla dhaceen.
HALKAN KA DAAWO
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:30 and have
