daajis.com:- Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia, Maxamed Axmed Cusmaan Al-xumaadi ayaa maanta deeq lacageed ku wareejiyay askar ilaalo u aheyd koox gargaar oo Imaaraadka ka socday oo lagu qarxiyay magaalada Muqdisho 24-kii June ee sanadkan.
Qaraxaasi oo ay ku dhinteen saddex askari halka ay ku dhaawacmeen saddex kale ayaa waxaa ehelada Seddaxda askari ee dhintay lagu wareejiyay 30 kun oo Dollarka Mareykanka, halka askarta dhaawacantay eheladoodana lagu wareejiyay 15 kun dollar.
“Ehelada ay ka dhinteen saddexda muwaadin waxaan guddoonsiinay 30-kun oo doolar, halka kuwa ku dhaawacmay eheladooda aan guddoonsiinay 15 kun doolar, waxaana dhaawacyada saddexdaasi ka mid ahaa Ilaalada kooxda gar gaarka loo qaaday dalka Imaaraadka”ayuu yiri danire Maxamed.
Safiirka ayaa xusay inaysan hakad gelin doonin mushaaraadkii ay qaadan jireen kuwa geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ahba, isagoo bogaadin u jeediyay ehelada wiilashii naftooda u huray inay ilaalo ka noqdaan kooxda gar gaarka ee Imaaraadka Carabta oo u gurmanaya walaalahood Soomaaliyeed.
Inta badan ciidamada ku dhinta qaraxyada ka dhaca Muqdisho ayaa helin qoysaskooda taageero la mid ah tan ay maanta Safaaradda Imaaraadka ku dhiirigelisay qoysaska askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay.aq
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:00 and have



