daajis.com:- Cabdulle Afrax, oo ah gudoomiyaha Degmada Wadajir, ayaa ayaa deeq dhar ah oo loogu tala galay in ay ku ciidaan gaarsiiyay Xaruunta Maama Sahra Charity ee Degmada Cabdulcasiis, halkaasoo lagu dhaqan celiyo caruurta Derbijiifka.
Qaar ka mid ah dhallinyarada deeqda dharka ah la gaarsiiyay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin deeqda la soo gaarsiiyay, ayna Guddoomiyaha uga mahadcelinayaan kaalmada uu gaarsiiyay.
Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee gobalka Banaadir Axmed Cabdule Afrax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kaalmadan uu ugu talagalay in carruurta lagu xanaaneeyo xaruntaasi ay farxadda ciidda la qeyb sadaan carruurta kale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:00 and have







