Hoggaamiye mucaaradka Faransiiska ka tirsan oo maxkamad loo soo taagayo aflagaado Muslimiinta

Hoggaamiye mucaaradka Faransiiska ka tirsan oo maxkamad loo soo taagayo aflagaado Muslimiinta

daajis.com:- Hogaamiye ka tirsan mucaaradka dalka Faransiiska, ayaa waxaa maxkamad loo soo taagayaa hadalo cunsurinimo ah oo ay kula kacday muslimiinta dalkaas.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Ms. Marine Le Pen, ayaa Maxkamad loo soo taagayaa hadalo ay tiri mudo laga joogo 5 sano ka hor, xili ay booqaneysay magaalada Lyon, waxayna xiligaasi sheegtay in dadka Muslimiinta ah ee maalinta Jimcaha ku tukada banaanka Masaajidada ay lamid tahay Gumeysigii Nazi-ga ee dalka France ku qabsaday wakhtigii dagaalkii 2aad ee Adduunka.

“…Ma heystaan Taangiyo iyo Hub balse waa afduub muuqda oo dalka lagu qabsaday…Waxayna lamid tahay xiligii Gumeysigii NAZI-ga Hitler uu qabsaday dalkeena…” ayey tiri Ms.Marine oo tilmaameysay Muslimiinta cibaadeysanaya.

Muslimiinta France ayaa inta badan banaanka Masaajidka ku tukada xiliga uu Masaajidka buuxsamo, waxayna cunsuriyiinta France aad u dhibsadaan Muslimiinta badan ee banaanka iyo wadooyinka ku tukada gaar ahaan maalinta Jimcaha.

Xeer illaalinta Lyon ayaa dacwad kusoo oogay haweenaydan siyaasiyada ah, waxaana lagu eedeeyey inay ku kacday fal Muslimiinta lagu cunsuriyeenayo diintooda, taasi oo danbi ah sida uu qorayo Dastuurka dalka France.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada