Daawo: Dr: Cali Ciise, Col: Indho-sheel, Wasiir Gacmo-yare, Xildhibaanada DFS Iyo madax ka hadlay Xaalada Khaatumo

Daawo: Dr: Cali Ciise, Col: Indho-sheel, Wasiir Gacmo-yare, Xildhibaanada DFS Iyo madax ka hadlay Xaalada Khaatumo

daajis.com:- Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan balaadhan oo looga hadlay xaalada deeganaada khaatumo, Waxaana kasoo qayb galay Kulanka Dr: Cali Ciise Cabdi oo kamida Aas-asayaashii maamulka khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) Madaxwaynihii hore ee Khaatumo, Wasiirka Warfaahinta maamulka khaatumo Axmed (Gacmo-yare) iyo Xildhibaano ka tirsan Dawlada Soomaaliya.


Wasiirka Warfaahinta iyo Xildhibaano ka tirsan Dawlada Federaalka ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay Weerarkii dhowaan ka dhacay deegaanka Qoriley ee dadka badan lagu xasuuqay.

Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhosheel) Madaxwaynihii hore ee Khaatumo ayaa dhankiisa ku baaqay in la bar-bar istaago maamulka khaatumo, Wuxuuna sheegay in dhamaan deegaanada cadowgu ku sugan yahay ay u baahantahay gacan in wax looga qabto, sidoo kale wuxuu sheegay Inaanu Jirin Waqti,  Dhaqaale iyo dhimasho u qoondaysan sidii guulahaas lagu gaadhi lahaa.


HALKAN KA DAAWO VIDEO


Dr: Cali Ciise Cabdi oo ka hadlay goobta ayaa ku dheeraaday Dhibaatooyinka kala duwan ee Lagu hayo deegaanada khaatumo oo sheegay inaysan oolin qaybo kale oo Soomaaliya kamid ah, Sida ay  Bulshadu uga  dhiidhiyeen, Xaqii ay ku laayeen Dawlada Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada