DAAWO:- Golaha abwaanada Soomaaliyeed oo shahaado sharaf gudoonsiiyay Dr Dufle

DAAWO:- Golaha abwaanada Soomaaliyeed oo shahaado sharaf gudoonsiiyay Dr Dufle

daajis.com:- Golaha abwaanada Soomaaliyeed ayaa shahaado sharafyo mahad celin ah gudoonsiiyey dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee kala ah Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir iyo Prof. Cismaan Maxamuud Dufle ka dib munaasabad arintaas la xiriirta oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah abwaanada Soomaliyeed ayaa munaasabadaas ku furay riwaayad goos goos aheyd oo ka turjumeysay kaalinta dhaqaatiirta Soomaaliyeed kaga jiraan horumarinta iyo ilaalinta Caafimaadka guud ee bulshada, iyadoo riwaayadan ay si gaar ah u taabaneysay qaabkii labada dhaqtar ay ugu gurmadeen abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub, iyagoo u sameeyey qaliin dhinaca indhaha ah iyo baaritaano kale oo Caafimaad.

Sidoo kale, intii ay munaasabadan socotay ayaa waxaa heeso, gabayo iyo suugaan kale ku soo bandhigay kooxda fanaaniinta Degaan iyo abwaano kale, kuwaasoo ka turjumayey mahad-celin iyo duco loo jeedinayey Dr. Dufle iyo Dr. Dalmar sida ay had iyo jeer ugu heelan yihiin wax u qabashada bulshada.


Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in labada dhaqtar dadka ay wax u qabteen aysan ku koobneyn abwaanada Soomaaliyeed, isagoo sheegay iney yihiin badbaadiyeyaashii bulshada.

“Prof. Dufle ayaan telefan ku wada hadalnay, waxaana uga waramay xaalado caafimaad daro oo la soo dersay abwaan Sangub iyo sida wax looga qaban-karo, wuxuuna iigu jawaabay :haddaan qadka soo gelinayaa Dr. Dalmar beriba noo wada keen labadeena, waxayna u sameeyeen baaritaano caafimaad iyo qaliin dhinaca arag ah ILAAHAY qeyr ha siiyo, waan uga mahad celinaynaa, Sangub kaliyana maaha umadda oo dhan ayey sidaasoo kale wax ugu qabtaan, abaalgud kalena uma heyno inaan amaan iyo bogaadin u jeedino mooyee ” ayuu yiri Abwaan Guure.

Prof. Cismaan Max’uud (Dufle) oo ah agaasimaha Isbitaalka Taqasusiga Dr. Dufle ee magaalada Muqdisho oo isna munasaabada ka hadlay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin ka soo qeyb galka xafladan oo uu sheegay iney aheyd mid ka balaaran sidii ay filayeen.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada