daajis.com:- Ciidamada sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa soo bandigay rag la sheegay inay katirsan yihiin ururka Al Shabaab, ragaan ayaa waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa nin 15-kii bishii Agoosto Magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Raxma Maxamed C/qaadir.
Raxma oo ka tirsaneyd Shaqaalaha Baarlamaanka ayaa lagu dilay afaafka hore ee hoygooda oo ku yaala Degmada Wadajir, xilli subax ah oo ay ku sii jeeday Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ayaa ninkaasi gacanta ku soo dhigay isagoo saaran gaari ka yimid Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ninkan ayaa waxaa kaloo lala soo bandhigay illaa afar nin oo kale oo ay ka mid yihiin Cali C/laahi Shuuriye iyo Maxamed Axmed Macalin (Boode-boode).
Ninkan labaad ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ka mid yahay xubnaha Shabaabka u qaabilsan dhinaca dhigista miinooyinka, halka Boode-boode lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa raggii 29-kii August Degmada Xamar Jajab ku dilay marxuumad Saciido Sheekh Mursal, oo ahayd Gudoomiye Waaxeed ka tirsan Degmadaasi.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:00 and have

