Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Galmudug oo ku biiray Ahlusunna iyo CabdiWaal oo noqday taliyaha ciidamada Ahlu Sunna

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Galmudug oo ku biiray Ahlusunna iyo CabdiWaal oo noqday taliyaha ciidamada Ahlu Sunna

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe  Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa taliyaha guud ee ciidamada Ahlusunna u magacaabay Cabdi Nuure Siyaad “Cabdi Waal”.


Hogaamiyaha Ahlu Sunna ayaa ku sheegay sababta uu u magacaabay CabdiWaal inay tahay isagoo ka soo bixi kara howsha loo xilsaaray waayaragnimana u leeyahay.

“Cabdi Waal waa mas’uul ku xeeldheer dhanka ciidamada sidaa daraadeed ayaan uga dhigay taliyaha guud ee ciidamada Ahlusunna Waljamaaca”ayuu yiri Shaakir.

Magacaabida CabdiWaal loo magacaabay taliyaha ciidamada Ahlu Sunna ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay jirto xiisad dagaal gobolada dhexe ee dalka.

Sidoo kale wararka ka imanaya gobolada dhexe ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamulka Galmudug uu ku biirey ciidamada maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe.


Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Liibaan Madaxweyne ayaa hore ugaga mid ahaa ciidamada Galmudug, waxana la sheegay in ciidamo uu hogaaminayo oo watay afar gaari oo tikniko ah ay ku biireen ururka Ahlusunna.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada