DAAWO SAWIRADA:-Burcad Xalay Gashay Suuqa Ganacsiga Sunrise ee xaafada Islii Oo Cashar Yaab leh La Kulmay Noloshana lagu….

DAAWO SAWIRADA:-Burcad Xalay Gashay Suuqa Ganacsiga Sunrise ee xaafada Islii Oo Cashar Yaab leh La Kulmay Noloshana lagu….

daajis.com:- Suuqa ganacsiga Sunrise Shopping Mall oo ka mid ah Xarumaha Ganacsi ee ku yaallo jidka sagaalaad ee xaafada Eastleigh (Islii) ee Nairobi, ayaa wali xiran kadib markii xalay ay galeen koox tuugo ah oo looga shakiyay iney horay oga shaqeyn jireen suuqaas.

Marwo Jawaahir Mohamed oo ah Wakiilka Golaha Deegaanka ee Galbeedka Xaafada Islii, ayaa Hiiraan Online u sheegtay in ilaalada suuqaas ay ku war galiyeen xalay saqdii dhexe in koox burcad ah ay gudaha ugu jiraan suuqaas. Waxeyna intaas ku dartay in ciidamada amaanku ay goobtaas gareen abaaro 2AM ee xalay.

Dhanka kale, Wariye Mohamed Hassan Mohamud (Ota Dheere) oo ka tirsan Idaacad ku taallo meel u dhow dhismahaas, ayaa isagana Xoghoose.com u sheegay in uu arkay ciidamo fara badan oo xiray, wadada koowaad ee xaafada saaka aroortii xiligii uu shaqada galaayay.

Wariye Ota Dheere, ayaa intaas ku daray in nin ka tirsanaa xoog-satadii suuqaas saaka laga soo saaray gudaha xaruntaas xili uu dhaawacnaa, wuxuuna sheegay in rag kale oo looga shakiyay iney ka tirsanaayeen xamaaliyaasha suuqaas oo tuugo ah; ay wali ku jiraan qeybta sare ee suuqaas.

Suuqa Sunrise oo ka kooban goobo ganacsi oo ay ka mid yihiin Dukaamo fara badan oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu iibiyo Dharka iyo Kabaha, ayaa sidoo kale waxaa ku yaallo Laanta Bangiga Chase Bank ee xaafada Islii iyo waliba Xarunta Waxbarashada Compit oo arday badan ay wax ka bartaan.

Si kastaba ha ahaatee Xaafada Islii oo dad badan oo Soomaaliyeed ay dagan yihiin, ayna sidoo kale ku leeyihiin ganacsiyo xoogan, ayaa waxaa mararka qaar ka dhaco falal amni daro ah oo lagu dhaco hanti badan, iyadoo dowlada Kenyana ay marar badan sheegtay iney wax ka qaban doonto ammaan xumida ka jirto xaafadaas.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada