Daawo Muuqaal “Somaliland oo Xukun ku riday Gabar Kasoo jeeda Galmudug iyo Dambiga lagu eedeeyay Gabadhaas!!

Daawo Muuqaal “Somaliland oo Xukun ku riday Gabar Kasoo jeeda Galmudug iyo Dambiga lagu eedeeyay Gabadhaas!!

daajis.com:- Gabar ka soo jeedo magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ayaa waxaa la sheegay inay xukun ku riday maxkamad ku taala magaalada Hargeysa iyadoo sidoo kalena ay maxkamadu ay amartey inay gabadhaas laga masuufuriyo maamulka Soomaaliland oo dib loogu celiyo magaalada Cadaado oo ay asal ahaan ka soo jeedo. 


Gabadhaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Sacdiyo Sheekh Yuusuf Wardheere oo 41 sano jir ah oo lagu soo eedeeyey inay si qaldan ay u faafinaysay diinta Islaamka ayaa waxaa la sheegay inay maxkamad ku taala magaalada Hargeysa ay ku xukuntey xarig gaaraayo hal sano iyo ganaax lacageed oo gaaraayo ilaa iyo hal milyan oo shilinka Soomaaliland ah iyadoo sidoo kalena ay maxkamdu ay bixisay amar ah in laga musaafuriyo maamulka Soomaaliland oo ay ku sheegeen inay qatar ku tahay haweeneydaas bulshada ku nool deegaankaas.
Hoose ka Daawo


Ugu dambeyntiina iyadoo haweeneydaas Soomaaliyeed lagu riday xukunkaas ayaa waxaan jirin cid madax banaan oo xaqiijisay eedeymaha loo soo jeediyey haweeneydaas marka laga reebo dhowr marqaaati oo ay maxkamadu ay magacaawday iyadoo sidoo kalena aysan ka muuqan goobtii lagu qaadaayey maxkamadaas cid ku wehelisay haweeneydaas ama aysan ka muuqan garyaqaan u doodaayey haweeneydaas Soomaaliyeed, Haweeneydaas Soomaaliyeed oo ay ka muuqatey sida ay uga argagaxda xukunkaas islamarkaana ay ilmada ka qubaneysay ayaa garsoorihii dacwada qaadaayey uu horteeda ka aqriyey xukun uu sheegay inay maxkamadu ay ku riday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada