Daawo Sawirada:- Hungary oo Silig adag ku xiratay xadkeeda soona saartay Sharci adag oo saameenaya Muhaajiriinta

Daawo Sawirada:- Hungary oo Silig adag ku xiratay xadkeeda soona saartay Sharci adag oo saameenaya Muhaajiriinta

daajis.com:- Dowlada Hungary ayaa dajisay sharci adag ay ku dooneyso in ay ku xakameyso qul qulka qaxootiga faraha badan ee kasoo caraya colaada dalka Siiriya ka aloosan iyo wadamo kale, kuwaa oo marin ay uga gudbaan Dalka Jarmalka iyo Dalal kale ka dhigtay Dalkaasi Hungary.

Sharciga cusub ay Dowlada Hungary dhaqan galineyso ayaa awood u siinaya in Ciidamada ay xiraan xabsigana dhigaan qof kasta oo la qabto isaga oo kasoo gudbaya xadka uu dalkaasi la wadaao Wadanka Serbiya.

Dowlada Hungary ayaa sidoo kale silig adag ku xirtay xadka ay la wadaagto Dalka Serbia oo ah halka ay kasoo gudbaan qaxootiga dalkaasi soo galaya, saligan ayaana ah mid aad u adag in ay ka gudbaan dadka muhaajiriinta ah.

In ka badan 5000 oo qaxooti Siiriyaan u badan ayaa xadka Hungary ee dhinaca Serbia ka soo galay ka hor inta aanay Hungary xirin xadka, waana tiradii ugu badnayd ee qaxooti ah ee maalin qura xadka gasha Dalka Hungary.

Xiritaanka xadka Hungary iyo sharciga adag ay Dowladaasi soo rogtay ayaa ah mid saameyn badan ku yeelanaya qaxootiga reer Siiriya, waxaana dad badan oo muhaajiriin ah ay hada ku xayiranyihiin xadka kuwaa oo ka cabsi qaba in la xiro ama la dhibaateeyo.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada