Ciidamada Ahlu Sunna oo Weerar ku ah Degmada Caabud-Waaq iyo abaabul dagaal oo socda

Ciidamada Ahlu Sunna oo Weerar ku ah Degmada Caabud-Waaq iyo abaabul dagaal oo socda

daajis.com:- Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee kataliya qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ayaa ku hanjabay in ay dhawaan weerar ku qaadi doonaan Degmada Caabud-Waaq ee Gobolka Galgaduud halkaas ay kataliyaan ciidamo daacad u ah Maamulka Galmudug.

Afhayeenka Kooxda Ahlu Sunna Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidankooda ay diyaar garow ugu jiraan weerar ay ku qaadaan Degmada Caabadud-Waaq oo dhawaan dagaal looga soo saaray.

Mursal Sheekh Maxamed Yuusuf, ayaa cadeeyay in kooxdooda ay ka go’antahay in ay dib ula wareegaan gacan ku heynta Degmada Caabud-Waaq , waxa uuna intaa raaciyay in la dyaariyay ciidamo loogu tala galay in ay weerar rogaal celis ah ku qaadaan Degmadaasi.

Dhinaca Kale Ciidamada Maamulka Galmudug ee gacanta ku haya Degmada Caabud-Waaq iyo Deegaano kale oo katirsan Gobolka Galgaduud ayaa dhankooda ku jira diyaar garow, waxa ayna ciidamada adkeeyeen difaaca goobaha ay joogaan.

Dadka ku dhaqan Degmada Caabud-Waqa iyo Deegaano kale oo katirsan Galgaduud ayaa ka cabsi qaba in dagaal culus uu mar kale ka qarxo deegaanadooda, waxa ayna ugu baaqeyn dhinacyada isku hub uruursanaya in ay xaalada dajiyaan.

Ciidamo daacad u ah Maamulka Galmudug ayaa dhawaan Degmada Caabud-Waaq dagaal kaga soo saaray ciidamo kale oo katirsanaa Ahlu Sunna, waxaana mudooyinkii lasoo dhaafay xiisado dagaal ay ka taagneed deegaano katirsan Gobolka Galgaduud ay isku horfadhiyaan labada ciidan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada