Dowladda Sucuudiga oo ruqsaddii kala laabatay shirkadda Bin Ladin ee Mashaqada ka geysatay Makka

Dowladda Sucuudiga oo ruqsaddii kala laabatay shirkadda Bin Ladin ee Mashaqada ka geysatay Makka

daajis.com:- Shirkad ay leeyihiin reer Binladen oo lagu magaacbo "Saudi Binladin Group" ayay dowladda Sucuudigu kala laabatay ruqsaddii kadib markii mid ka mid ah wiishahkkii dhismaha ka waday Xaramka uu soo dhacay.

107-ruux ayaa ku dhimatay shilkaasi, 238 kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana shirkadda "Saudi Binladin Group" lagu eedeeyay in ay qaab khaldan u xireen wiishaaki, balse dhinacooda ay ku andocoonayaan in wiilshki uu la soo dhacay dabeylo xoogan darteed.

Madaxa dalkaasi Boqor Salmaan ayaa dhawaan ku wargeliyay hay`adaha amniga in madaxda shirkaddaasi aysan dalka ka bixi karin inta meel laga saarayo aarintan.

Waxaa ay dowladda baareysaa dhamaan heshiisyada shirkaddani ku jirto, iyadoona joojineysa dhamaan heshiisyada cusub in kuwa horay loola galay ee aan howlohooda bilaaban.

Shirkaddan Saudi Binladin Group ayaa la aas-aasay ku dhawaad 80-sano ka hor, waxaana lagu sheegaa shirkadda ay dowladda Sucuudigu ugu kalsoonaanta badan tahay, iyadoona mashaariic badan ay u dhiibtay kuwaas oo ay ka mid yihiin shismayaal xarumo ciidamo iyo kuwo shidaal.


Shirkadda ayaa waxaa ka madax ah nin ay walaalo yihiin Osama Binladen kaas oo lagu magacaabo Barar Binladen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada