Daawo Sawirada” Madaxweynihii Burkina Faso oo xilkiisa dib ula wareegay kadib Afgambi dhacay

Daawo Sawirada” Madaxweynihii Burkina Faso oo xilkiisa dib ula wareegay kadib Afgambi dhacay

daajis.com:- Madaxweynaha KMG Dalka Burkina Faso Michel Kafando, ayaa muddo Todobaad ah kadib dib loogu soo celshay xilkiisa kadib markii Militeriga dalkaasi ay dalka ka ariminayeen Todobaad.

Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada dalkaasi oo ay kasoo wada qeybgaleen Madaxda iyo Saraakiisha dalkaasi ayaa waxaa xilka dib lagula wareejiyay Madaxweynihii KMG Burkina Faso Michel Kafando.

Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in heshiis kadib uu dib ugu soo laabto Madaxtooyada, waxa uuna tilmaamay in Dowladiisu hagaajin doonto cabashooyinka dhaliyay afganbiga.

Waxa uu ku celcelshay in Saraakiisha Militeriga ee ka danbeeyay Afganbiga uu la qaadan doono fadhi xal hoosaad looga gaari doono waxyaabaha jira ee dhaliyay afganbiga.

Tani ayaa ka danbeysay kadib markii Milatarigii xukunka la wareegay ayaa maalin kahor saxiixay heshiis ay afgambiga ugaga laabanayaan si aysan u dhicin iska horimaad dhex mara ciidamada dalka Burkino Faso.

Saraakiisha afgambiga ka dambeysay ayaa is jiidjiid badan kadib oggolaaday in ay ku laabtaan xeryahooda ciidamada soo galay caasimadana dib loogu celiyo halkii ay ka yimaadeen.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada