Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Ruushka oo xariga ka jaray Masjid weyn iyo Erdogan oo ka qeybgalay

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Ruushka oo xariga ka jaray Masjid weyn iyo Erdogan oo ka qeybgalay

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo Xubno ka tirsan Dowladiisa ayaa maanta xariga ka jaray Masaajid weyn oo laga dhisay Magaalada Moscow.

Masjidkaani ayaa ah mid aad u weyn oo suuragalin kara inay ku dukadaan inkabadan 1,300 oo Muslimiin ah.

Muslimiin farabadan ayaa ka qeybgalay munaasabada uu Madaxweyne Vladimir Putin xariga uga jaraayay Masjidkaasi oo aad usoo dhaweeyay dadaalka lagu hirgaliyay Masjidka.

Sidoo kale, Munaasabada xarig jarka ah ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas iyo Masuuliyiin kale oo dalkaasi u gaaray sida ay uga qeybgali lahaayen Munaasabada.

Munaasabada oo aheyd mid aad u ballaaran ayaa waxaa Khudbado ka jeediyay Madaxweynaha Ruushka, Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Falastiin oo ahmiyad gaar ah ku sheegay inuu leeyahay Masjidka cusub.

Madaxweynayaashu waxa ay booriyeen doorka Muslimiinta kaga aadan la dagaalanka argagaxisada iyo xagjirnimada, isla-markaana uu Ruushku ammaanaayo doorkaasi.

Waxaa sidoo kale Khudbado kala duwan ka jeediyay Culimo u dhashay dalkaasi Ruushka oo amaan iyo mahad gaar ah u jeediyay Dowlada oo gacan ka geysatay dhismaha Masjidkaasi.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada