DAAWO:- Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska oo xalay kormeer ku tegay xaafadaha Beladweyne

DAAWO:- Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska oo xalay kormeer ku tegay xaafadaha Beladweyne

daajis.com:- Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Sareeyo guuto Mukhtaar Xuseen Afrax oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka booliska ayaa xalay kormeeray xaafado ka tirsan magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ciidamadu ka sameynayeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Jeneraal Mukhtaar ayaa markii uu tegay meelaha ay howlgalada ka socdeen waxa uu u kuurgalay xaaladda amni ee xilliyada habeenkii ka jirta Beladweyne, waxaana uu xogwareysi la yeeshay qaar ka mid ah dadweynaha magaalada.

Sidoo kale ciidanka booliska ee qeybta miino baarista ayaa ka qeyb qaadanayay howlgalka oo mid mid u baarayay gaadiidka xaafaha kala duwan ee magaalada Beladweyne isaga kala dhex gooshayay, waxaana Jeneraal Mukhtaar uu ciidanka qaar kala sheekeystay sida ay ula dhaqmaan shacabka marka ay ku guda jiraan howlgallada.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska ayaa dhallinyaro uu kula kulmay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Beladweyne ku booriyay inay la shaqeeyaan ciidanka oo ay ka hortagaan cidkasta oo amniga qal qal gelineysa.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada