DHEGAYSO: Maxaa ka Cusub Xaaladda JANNAALE iyo Wararkii ugu danbeeyay

DHEGAYSO: Maxaa ka Cusub Xaaladda JANNAALE iyo Wararkii ugu danbeeyay

daajis.com:- Wararka ka imanaya magaalada Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in xaaladdu maanta ay deggan tahay kadib weerar culus oo Al-Shabaab ay shalay saacadihii hore ku qaadday saldhig milatari oo ay ku sugnaayeen ciidamada Midowga Afrika, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda.

Gurmad ciidan oo ka baxay magaalada Baraawe ayaa shalay gaadhay Jannaale, waxaana wararku sheegayaan in la helay ciidan ka tirsanaa kuwii ku sugnaa saldhigga Jannaale.

Ugu yaraan 19 askari oo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ayaa ku dhintay weerarka, tiro kale oo intaas le’egna wa ala la’yahay sida ay idaacadda VOA u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM ayaa VOA u sheegay inaysan weli haynin tiro sax ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka, balse waxa uu sheegay in khasaare soo gaadhay, AMISOM ayaan weli go’aan ka gaadhin in saldhiga Jannaale uu sii jiro iyo in ciidanka halkaais laga raro.


Wararkii ugu dambeeyey iyo jawaabta ay maamulka Gobolka iyo AMISOM ka bixinayaan, ayaa Haaruun Macruuf waxa uu ka waraystay Ku Simaha Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cali Nuur Maxamed, ugu horraynna waxa uu weydiiyey wararkii ugu dambeeyey ee Jannaale.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada