daajis.com:- War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada ee dalka Maraykanka oo uu ku saxiixnaa afhayeenka wasaaradda John Kirby ayaa lagu shaaciyey in dowladda Maraykanka ay dib u bilaabayso hawlgalkeedii dublamaasiyadeed ee Soomaaliya ee hakadka ku jirey.
“Hawlgalka cusub ayaa waxa uu astaan u yahay sii socoshada xiriirka iskaashiga ah ee Maraykanka iyo Soomaaliya tan iyo intii dowladda Maraykanka ay soo celisey aqoonsigii dowladnimo ee ay Soomaaliya u heysay 17-kii bishii Janaayo, 2013” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Hawlgalka ayaa waxa uu saldhiggiisa ahaan doonaa gudaha safaaradda Maraykanka ee Nairobi ee dalka Kenya, iyada oo uu madax ka ahaan doono u qeybsane illaa inta madaxweynaha kasoo magacaabayo safiir cusub.
Waa talaabadii labaad ee lagu unkayo xiriir dublamaasiyadeed labada dhinac tan iyo booqashadii taariikhiga ahayd ee xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka John Kerry uu ku tagay Soomaaliya 5-tii bishii May, 2015-ka” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at