Amisom oo Ciidamo Boolis ah u Tababaraysa Maamulka K/Galbeed (VIDEO)

Amisom oo Ciidamo Boolis ah u Tababaraysa Maamulka K/Galbeed (VIDEO)

daajis.com:- Booliska ciidamada nadad ilaalinta ee Amisom ayaa wuxuu Magaalada Baydhabo tababar uga furay ciidamo cusub oo boolis ah, ciidamadan ayaa hadoow la doonayaa inay ka hawl galaan Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, waxaana askartan tiradooda lagu sheegay illaa laba boqol oo askari.

Tani, ayaa waxay daba socotaa qorshe ay Booliska Amisom ku tababarayan illaa lix boqol oo askari, oo la gayn doono dhulka cusub ee dhawaan laga qabsadayn Ururka Al Shabaab.



Munaasabaddii furitanka tababarkan oo ka dhacday Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, Taliyaha Booliska Amisom, Anand Pillay, Taliyaha Booliska Qaramada Midoobe, Lucien Vermeir, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed, C/raxmaan Ibraahim Aadan (Sate) iyo xubno kale.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada