daajis.com:- Waxaa maanta Magaalada Kismaayo gaaray koox fanaaniin ahayd, ka dib markii ay martiqaad ka heshay Maamulka Jubbaland, waxaana lagu wadaa inay ka tumaan caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
12-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida, ayaa wuxuu qorshuhu yahay in Magaalada Kismaayo lagu caleemo saaro Axmed Madoobe, waxaana caleemo saarkiisa ka qaybgeli doono Masuuliyiin Dowladda Somaliya ka tirsan.
Fanaaniinta gaartay Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa ka mid ah Shimaali Axmed Shimaali, Maxamed Xasan Xuseen (Lafoole), Siidii Cali Winkey, Umu Shariif iyo fanaaniin kale, iyadoona lagu soo dhaweeyay Garoonka Kismaayo.
Fanaanka Winkey oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaaden Magaalada Kismaayo, isla-markaana ay maalmo jooggi doonaan, sida uu yiri.
Winkey waxa uu tilmaamay inay ka qaybgeli doonaan caleemo saarka Madaxweyne Madoobe, ayna ka qaadi doonaan heeso loogu dabaaldeggi doono munaasabadda caleemo saarkiisa.
Suxufiyiinta degan Kismaayo, ayaa soo sheegaya in la xoojiyay amniga guud ee Magaalada, iyadoona ciidan lagu arkaayo wadooyinka qaarkood, kuwaa oo feejignaan laga dheehan karo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:26 and have
, Published at