daajis.com:- Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa la wareegay deeq Gaadiid casri ah oo ay isticmaalaan booliska caalamka, waxaana deeqdaan ka timid Dowladda Japan.
Deeqdaan ayaa waxaa Taliska Booliska ku wareejiyay saraakiil ka socotay booliska dalka Japan, iyadoo gaadiidkaan tiradooda ay gaareyso 56 00 ah kuwa casriga ee ay isticmaalaan ciidamada Booliska, waxaana tani ciidanka Booliska ay ka dhigeysaa inay la jaan qaadaan Booliska aduunka ka howlgala.
gaadiid-boolis-1Munaasabad kooban oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo gaadiidkan Booliska Soomalaiya loogu wareejinaayay, ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed, Taliyaha ciidamada Booliska iyo Saraakiil kale.
Taliyaha ciidamada Booliska Somalia ayaa munaasabada ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Booliska Somalia in lagu wareejiyo gaadiidkan casriga ah.
“Waxaan dowladda Japan uga mahadcelineyaa sida ay u caawiyaan ciidanka booliska, marar badan ayay ciidanka ugu deeqeen gaadiid, waxaana ka fileynaa in goor dhaw ay nagu soo wareejin doonaan dhar ciidan.” Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska.
gaadiid-boolis-3Tomohiro TOMMATSU oo ah u qeybsanaha dhanka Gaashaandhigga safaaradda Japan ee Soomaaliya ayaa sheegay in gaadiidkaan inay ugu talo galeen ciidamada Booliska Somalia.
“Gaadiidkan waxaan ugu talagalnay in ciidanka booliska ay ugu adeegaan bulshada, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta aan ciidamada ku wareejino gaadiid”gaadiid-boolis-2
Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa sheegay gaadiidkaan inay qayb ka qaadan doonaan xaqiijinta ammaanka iyo horumarinta howlaha ay hayaan ciidamada Booliska Somaliya.
“Runtii dowladda Jaban waxa ay ka midtahay dowladaha caawiya Soomaaliya, runtii aad baan u soo dhaweyneynaa sida ay u garab taaganyihiin ciidanka booliska, taliska ciidanka waxaan ku bogaadinayaa inay sii labo jibaaraan adeegyada ay bulshada u hayaan” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at